AKHRISO: Xeerka Shirkadda DP-World looga mamnuucaayo gudaha dalka Soomaaliya

Hiiraan Xog, Mar 12, 2018:- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan uga socdo xaruntooda  ayaa Ansixiyay xeer dhowraya  gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya.

Xeerkaan oo dhowr qodob ka kooban ayaa lagu eedeeyay  Shirkadda DP-World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta inay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba dalka laga mamnuucayo Shirkada DP-World.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sheegay xeerka loo cuskanaayo Shirkadda DP-World uu yahay midka ilaalinta Gobonimada iyo Madaxbaanida Soomaaliya.

Xeerkaan ayaa waxaa ku xusan in xukuumadda Soomaaliya laga doonaayo in ay si deg deg ah u horkeento Baarlamaanka howlgallada laga qaadayo Shirkadda DP-World.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO,

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply