Roobkii Gu’ga oo ka Curtay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag

by Hiiraan Xog | Sunday, Mar 4, 2018 | 561 views

Hiiraan Xog, Mar 4, 2018:- Degmooyin iyo deegano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ka curtay roobkii guga iyado si weyn ay ugu diirsadeen dadka iyo duunyada.

Meelaha u ka da’ay roobka guga ayaa waxaa ka mid ah Ceergaabo ee gobolka Sanaag iyo deegano hoos taga halkaaso markii hore  ay ka jirta abaar baahsan.

Axmed Sheekh Maxamed oo ka mid ah waxgaradka degmada Ceergaabo ayaa sheegay in xiligan deegannada hoos taga degmada gaar ahaan dhulka miyiga u ka curtay roobkii guga islamarkana lagu diirsaday.

“ Alle ayaa mahad iska leh oo roobka noo keenay, dadka markii hore abaar baahsan ayay la dala dhacayeen, hadda deegannada hoos taga ceergaabo, waxaa ka da’ay roobkii guga oo xiligan la guda galay dadka iyo duunyada waa ku diirsadeen ayuu yiri Axmed Sheekh Maxamed

Qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa sannadii la soo dhaafay ku dhufatay baahsan taaso galafatay nolosha dad iyo duunyo.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response