Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo lagu eedeyay Musuq-Maasuq

Hiiraan Xog, Feb 25, 2018:- Waxaan halkan umadda Soomaliyeed uga sheegayaa in ay jirto caddalad darro xaga Sportska ah jirtayna illaa burburkii dalka soomaliya taas oo ah u sinaansho la’aan xaga awood qaybsiga xaga bahiyaha ah iyo xagga Doorasho haday ahaan lahayn waxaa jira maamul ku dhisan magaca umadda soomaliyeed kaas oo aan hadana umada soomaliyeed ee magacooda wax lagu soo qaado si cadaalad ah u gaarin waxaan maqalnaa XKCSoomaliyeed hadana waxaa uu u shaqeeyaa si xariir laga leeyahay Gobolka banaadir waxaa u codeeya kooxaha ka dhisan Gobolka banaadir waxaa uu wax kasta oo uu soo qaato lagalaa muqdisho haday qalab Sports tahay iyo haday tahay dhaqaale kale
waxaa intaas dheer in uu Gobol kasta oo soomaliyeed ka samaystay qof magacaas matala oo lacag mishaar ah u qoray si marka uu shirar qabanayo looga dhex arko qofkaas oo ah Yes man oo an ku soo af celin karin bahida gobolkiisana kala hadli karin waayo dhaqaalihiisa ayaa u daran
marnaba wax uma qabto gobolada soomaliyeed Dowlada somaliyeed ee markasta jirtana waxaa uu laaluush siyaa wasiiirka markaas la magacaabo hadaad la xariirrtid adoo Gobolkada matalayana balan been ah markay Qurbo joogta ka soo jeeda la xariirtrana waxaa uu leeyahay Gobolkaas mamulkiisa Sports waan af garan waynay oo ayagaa is hayshaysto sidaasan waxa ugu qaban waynay waayaab maamul xumada iyo wax qabadka maxaa iska dana haday daacad ka tahay may tagaan oo ay wax u qabtaan .
mida kale ee jirta XKCSomaliyeed waxaa doorto kooxo ka dhisan Muqdisho inta badana waxaa share kuleh madaxa XKCS inta kalana Gacan ayaa ka gaarto waxaa yaab ah aaway magacii soomaliyeed ee meesha ka muuqda in kooxa Elman iyo Bandir telcom matasho Gobolka Hiiiraan Baay jubada hoose xeerkaas intee laga keenay mase dadkaa damane ah waxaa taas ka sii daran Dowlada Farmajo oo balan qaaday inay musuqmasuqa ka dheerato inay aqbasho musuqmasuqa oo wasiirada Cusub Khadiiijo maxamed Diiriye ay ogolaato in Abdiqani Saciid carab XXKC iinta u dastuur uu soo soo qorto u ku xalalaynaya Doorashadiisa uu ku dhiibo Dhaqalihi Sportska soo maliyeed si uu kursigiisa ugu xalalaysto doorashada soo socota oo uu maamada dhaho Barlamaanka ka soo ansaxi wixii dhaqala ahna waa kaas waxaa Baarlamaanka soomaliyeed ka codsanayaa in Dastuurkaas uu shaqasiga soo samaystay laga fooojignaado.

W/Q/ Mohamed Keeydsane

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply