Tababaraha kooxda Arsenal Wenger ayaa ka hadlay kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Manchester City

Hiiraan
Hiiraan

Hiiraan Xog, Feb 22, 2018:- Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Wenger ayaa xaqiijiyey in David Ospina uu ku soo bilaaban doono kulanka final-ka EFL Cup oo ay Axadda la leeyihiin Manchester City.

Ospina ayaa laga doortay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Petr Cech marxalad kasta oo tartankan ah illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan oo Ospina ayaa yeeshay tartankan, tababare Wenger ayaana sheegay inuusan bedeli doonin maankiisa kulanka ay garoonka Wembley kula ciyaarayaan kooxda Manchester City.

“Had iyo jeer waa go’aan adag, laakiin waxaan u maleynayaa inay caddeeyeen taas,” ayuu Tababaraha reer France u sheegay Suxufiyiinta isagoo ku guda jiray Shirkiisa jaraa’id, waxaana uu intaa ku daray: “Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan, waa ay iska caddahay.”

“Waxa uu ciyaaray tartanka oo dhan, waxaan haystaa labo goolhaye oo heer caalami ah, waxaan go’aansaday inaan ku soo bilaabo Ospina si aan u caddeeyo kulamada ay ciyaarayaan.”

Macallin Wenger ayaa sidoo kale daboolka ka rogay in Ospina uu geli doono goolka Arsenal kulanka lugta labaad ee Europa League oo ay Habeenka Jimcaha la ciyaarayaan Ostersunds.

Hiiraan
Hiiraan

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply