DAAWO SAWIRO:- Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Hiiraan Xog, Feb 22, 2018:- Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dowlada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga Soomaaliya u fadhiya, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Soo dhoweyn ka dib Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo ayaa booqanaya saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho.





Be the first to comment

Leave a Reply