DAAWO SAWIRO:- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka jawaabay codsiga Wiil Soomaaliyeed oo xanuunsan

by B.A.M | Thursday, Feb 22, 2018 | 482 views

Hiiraan Xog, Feb 22, 2018:- Shalay oo aheyd 21-kii bishan Febraayo waxaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Eng. Yariisow) ay Masjidka Isbhaheysiga Islaamka ujoogeen ku dukashada Salaada Janaasada Nabadoon Axmed Cali Diiriye.

Kahor inta aan salaada Janaasada la dukan oo la sugayay Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxaa Masuuliyiinta hortooda istaagay Maxamed Ayuub Xasan oo 17 sano jir ah, kaasi oo uu hayo xanuun neerfaha ah, dalbadayna in gargaar loo sameeyo, lacagta uu dalbaday waxa ay aheyd 1,800$.

Wiilkii oo islahaa maanta jaanis ayaad heysataa oo laguugu gargaaro ayaa mar qura ka war helay Guuto dharcad ah oo ilaalo ah, kuwaasi oo halkaasi ka kaxeeyay Maxamed, geeyayna qeybta dambe ee Masjidka, waxayna ku amreen inuusan dhaq dhaqaaq sameyn, sidaasi ayaana looga kala tagay.

Hadalada Maxamed Ayuub uu halkaasi ka jeediyay waxaa ka mid ahaa “Marka hore Marxuumka Allah ha u naxariisto Janada Allah geeyo, marka xigta walaalayaal waxaan idiinka codsanaya inad i caawisaan waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo aad u xanuunsan, Xanuunka neerfaha aya i haya sidaad u jeedaan, waxa hada u baahanahay lacag dhan kun iyo sideed boqol oo doolar { 1,800$ } si aan daawooyin ugu gato xaaladeyda caafimaadna ay wax ugu badasho, Agoon ayaa ahay Aabaheey wu dhintay, waa idiin baryaa ee lacagtaa isku key dardara.”

Wariye Axmed Cabdi Cali oo ka tirsan shaqaalaha Idaacadda Risaala kana mid ahaa wariyeyaal halkaasi tagay oo warbixintan bilowwgeeda iyo dhamaadkeeda la socday ayaa qoraal uu ka qoray ku baahiyay baraha bulshada iyo qeybaha baahinta ee Idaacadda Risaala, sidoo kale telefoonkiisa gacanta ayaan ku baahinay baraha bulshada, waxaana jirtay in si deg deg ah looga soo jawaabo baahintii aan sameynay.

Xaalada Maxamed Ayuub

Maxamed waa 17 sano jir,  9-kii sano ee la soo dhaafay waxa haayay xanuun neerfa ah waxa uuna ka haleelay qeybta sare ee jirkiisa { Madaxa iyo qoorta }.

Waxa uu degan yahay Degmada Deyniile, waxa uu u weyn yahay 3 Caruur ah oo Aabahood uu geeriyooday, waxa gacanta ku heysa hooyadood Foosiyo iyo Ayeeyadood.

Nolosha qoyska Maxamed waa mid aad u liidata mana awoodaan in Isbitaalada waa weyn ee Muqdisho ay wiilkooda geeyaan si xanuunka haya xal loogu helo.

Hooyo Foosiyo oo ah hooyada dhashay Maxamed oo aan Warbixinta ka dhageystay ayaa ii sheegtay in isbitaalo badan aysan wiilkeeda geyn maadaama aysan u awoodin lacagaha ku baxaya caafimaadkiisa.

“Wiilkeyga Maxamed Xaaladiisa Caafimaad sanadba sanadka ka dambeeya way ka sii dareysaa sanado ka hor siduu ahaa maanta ma ahan, waa agoon, waa dhalinyaro mustaqbal leh isaga oo iskuul dhiganayo oo waxbaranayo ayaa xaaladahaan xanuunka ah lagu arkay wiilashii wax la baranaayay isaga waxbarashada heer ayay ka gaareyn laakiin wiilkeyga Maxamed wuuka haray” ayay tiri Hooyo Foosiyo.

“ Hada Maskaxiyan bilihii dambe aad ayuu u xanuunsanaa waxa uu sheegayo iyo waxa kale makala garanayo 1,800 ayaa rabaa agoona ahay iyo hadalo kale ayu habeen iyo maalin qof kasta ku dhahaya wuuna iska oynaya laakiin waxaa aaminsanahay lacagta uu sheegayo ka yar iyo iyo ka badan in lagu daaweyn karo balse aniga ma hayo waxa mararka qaar isdhahaa hadii uu aabihiisa joogi lahaa maanta garab beni aadan uma baahdeyn dadna ma baryen oo aabihiis aya ku dadaali lahaa “ yay mar kale tiri Hooyo Foosiyo.

Deeqaha kala duwan ee uu helay Maxamed.

Saakay ayaa Koox ka tirsan Idaacadda Risaala waxa ay booqdeen Guriga Maxamed Ayuub iyo qoyskisa ay ka degna yihiin magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Deyniile, si aan uga jawaabno codsiyo nooga yimid Dad Soomaaliyeed, oo naga dalbaday inaan soo qiimyeno xaalada wiilkan iyo qoyskiisa, si gar gaar loogu sameeyo.

Hooyo Fowsiyo oo ah maamada dhashay wiilkan ayaan la fariisanay, waxay nooga sheekeysay Deeqaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed uga yimid tan iyo markii aan baahinay warbixintan, waxay inoo sheegtay in dad kala duwan oo dalka iyo gudihiisa ku nool ay u soo direen lacago markaas cadadooda ay inoogu sheegtay ilaa 300$ oo Dollar.

Markii aan ka soo laabanay Guriga Maxamed ayaa waxa aan wadada isku dhaafnay wafdi ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabayay warbixintii ay baahisay Idaacadda Risaala, waxayna Maxamed gudoonsiiyeen, lacagtii uu dalbaday oo aheyd 1,800$ oo Dollar, sida aad ka arki doontaan sawirada Hoose.

Waxaa kaloo jirtay inuu inala soo xiriiray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo ku sugan America, kadib markii aan u sheegnay xaalada wiilkan xanuunsan ayuu balan qaaday inuu bixinayo dhammaan qarashka ku baxaya caafimaadkiisa.

Dhammaan Madaxda iyo shacabka ka jawaabay warbixintii Idaacadda Risaala ayaan u mahadcelineynaa, waxayna dhacdadan noqotay fursad mar la arag ah, maadaama Tartanka Siyaasadda ee Madaxda uu faa’iido u noqday dadka Danta yar.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response