Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma, oo xilka kadagay

by B.A.M | Thursday, Feb 15, 2018 | 239 views

Hiiraan Xog, Feb 15, 2018:- Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa xilka iska casilay kaddib maalmo uu haystay caddaadis ballaaran oo uga imanayay xubnaha xisbigiisa ANC.

Madaxweyne jacob Zuma ayaa bartamaha kaga jiray fadeexad musuq maasuq, mar uu Arbacadii ka hadlay hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in uusan sameynin wax khalad ah, ayna jirin sabab uu xilka uga dego.

Xisbiga ANC ayaa horay u sheegay in haddii Mr Zuma uu ku guuldarreysto inuu iskii isaga dhiibo xilka si khasab ah xafiiska looga saari doono oo baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaadi doono in lagala laabto codka kalsoonida.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response