Maamulka Sportiska ee gobolka Hiiraan oo si kumeel gaar ah u doortay gudoomiye cusub

by B.A.M | Thursday, Feb 15, 2018 | 349 views

Hiiraan Xog, Feb 15, 2018:- Xiriirka Kubada Cagta ee gobolka Hiiraan ayaa si kumeel gaar ah u Doortay Gudoomiyaha Olobikada gobolka Hiiraan.

kadib marii uu dhawaan is casilay gudoomiyihii Olobikada gobolka Hiiraan Cabdikariin Xasan Cabdulle Khalaad (Yaani Yani) ayaa xubnaha gudiga Olobikada gobolka Hiiraan kulan ay isugu yimaadeen waxa ay si ku meel gaar ah gudoomiye ugu doorteen masuul ka tiraan maamulka Olobikada gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Saadaq Cumar Carte kaas oo sii hayn doono xilka gudoomiye ee gudiga Olombikada gobolka Hiiraan.

Maamulka Olobikada degmada Beledweyne ayaa soo dhaweyay sihaayaha xilka Gudoomiyaha Olobikada gobolka Hiiraan,waxaana ay sheegen in ay la shaqeyn doonoon inta laga soo dooranayo Gudoomiye cusub.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response