DAAWO VIDEO:- Turkiga oo deeq dawo ah gaarsiyay Isbitalka guud ee magaalada Beledweyne

Hiiraan Xog, Feb 15, 2018:-Dhakhaatiir ka socota dalka Turkiga iyo xubno ka socda UN-ka oo maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ayaa booqday isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo ay deeq dawo ah soo gaarsiisay dowladda Turkiga.

Dr Xassan Cumar Siyaad warbixin kooban siiyay dhakhaatiirta iyo saraakiisha kala duwan ee ka socda hay’adda UNka ayaa sheegay in ay jiraan baahiyo kala duwan oo ka jirta isbitaalka, isaga oo dhinaca kalana ka mahad celiyay kormeerka iyo deeqda dawada ah ee la soo gaarsiiyay isbitaalka.

Munaasabada dawada lagu wareejinayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaa, guddoomiyaha degmada Beledweyne, Wasiirka caafimaadka HIrshabeele iyo mas’uuliyiin kale.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO,

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply