Wafdi uu hogaaminayo Gen, Mukhtaar Xuseen Afrax oo gaaray magaalada Baydhabo

by B.A.M | Wednesday, Feb 14, 2018 | 465 views

Hiiraan Xog, Feb 14, 2018:- Sareeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo ah ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Saraakiil Ciidan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Shaati Guduud ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka, Maamulka Gobolka, kan Degmada, Saraakiil Ciidan, Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka Safarka Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa ah in Magaaladda Baydhabo uu uga qeyb galo wajiga Labaad ee Shirka Booliska Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo halkaasi ka socon doono mudo laba cisho ah.

Taliyaha waxaa Safarka ku wehlinaya dhammaan Taliyeyaasha Booliska Dowlad goboleedyadda, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga qaranka iyo Wasaaraddaha Amniga maamulada dalka ka jira.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinkooda laga soo saray Ciidamo cusub, kuwaasi oo sugidda amniga ka qeyb qaadanaya inta Gen. Mukhtaar iyo wafdigiisa ay ku sugan yihiin halkaasi magaalada Baydhabo.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response