Agaasime ka tirsan Wasaarada Dhalinyarada oo magaalada Muqdisho lagu dhawacay

by B.A.M | Wednesday, Feb 14, 2018 | 216 views

Hiiraan Xog, Feb 14, 2018:- Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha dowlada Soomaaliya waxaa xalay Magaalada Muqdisho lagu dhaawacay mid ka mid ah Agaasime Waxeedyadda Wasaaradda.

Ninka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Ciidamo ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Agaasimaha xilli uu marayay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Khadiijo Maxamed Diiriye  Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa  barteeda Facebook ku soo qortay in lagu soo wargeliyay dhaawaca Agaasime C/llaahi, ayna u rajeyneyso in Alle bogsiiyo.

Dhowr xabadood ayaa kaga dhacday Xabadka, waxaana la geeyay mid ka mid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response