Hiiraan Xog, Feb 13, 2018:- Iyadoo laga duulaayo hadafka ah shaqaaleysiinta dhalinyarada Soomaaliyeed, ayaa Xukuumadda waxa ay sheegtay maamul Goboledyada dalka in laga rabo soo dalbashada dhaqaale ku aadan shaqo abuur loogu sameyo Dhalinyarada ku nool Gobolada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Qorshuhu waxa uu yahay in Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay soo Codsadaan Lacag lagu horumarinayo Goboladda iyadoo ay Caddahay shaqada lagu qabanayo.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle oo Codka Xukuumadda ku hadlayey ayaa sheegay in qorshahaan la rabo in uu u dhaco qaab daah furan.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in qaadayso tallaaba kasta oo shaqa abuur dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn karo iyagoo jooga deeganadooda