Mnyamar oo sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso dad lagu eedeeyay dilka dad Rohingya ah

by B.A.M | Monday, Feb 12, 2018 | 131 views

Hiiraan Xog, Feb 12 , 2018:- Guri dab uu qabsaday meel u dhaw tuulada Maungdaw ee gobolka Rakhine 7 September 2017.

Dowladda Myanmar ayaa sheegtay in ay tallabo ka qaadi doonto lix iyo toban qof oo ay ku jiraan askar iyo rayid, kuwaas oo lala xiriiranyo dilka toban qof oo muslimiinta Rohingya ah.

Dadkaan ayaa la sheegay in la dilay kadib markii la qafaashay xilligii khalalaasihii gobolka Rakhine ee sebtembar-tii la soo dhaafay.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in la ogaaday in ciidamada burmeeska qaarkood ay ka qeeyb qaateen dilkaasi.

Myanmar oo uu booqasho ku tagay xoghayaha arrimaha dibedda ee ingiriiska Boris Johnson ayaa Aung San Suu Kyi u sheegay in loo baahanyhay in si buuxda oo madax banaan loo baaro wixii ka dhacay gobolka Rakhine.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response