Maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda maamul goboledyada dalka oo kulan qaas ah yeeshay

Hiiraan Xog, Feb 12, 2018:- Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa kulan casho sharaf ku casuumay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, taasi oo ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Munaasabaddan casho sharafta ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo casho sharafta fidiyay.

Hoggamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirkii Golaha Amniga Qaranka oo Lixdii bishan ka furmay Madaxtooyada, kaasi oo xalay saq dhexe la soo gaba gabeeyay, lagana soo saaray War-murtiyeed.

Munaasabaddan waxaa ka maqnaa oo aanan ka qeyb galin Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta u duulay dalka Jabuuti.

Ammaanka xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiray jidadka gala xarunta, iyaga oo u diidaya Gaadiidka iyo dadka kale ee caadiga ah.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply