Shir looga soo horjeedo maamulka Jubbaland oo ka furmay magaalada Muqdisho

by B.A.M | Sunday, Feb 11, 2018 | 295 views

Hiiraan Xog, Feb 11, 2018:- Abaabul ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa saacaddihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Abaabulkaan ayaa waxaa wadda Siyaasadeed kasoo jeedda maamulka Jubbaland, kuwaasoo aan ku qanacsaneyn hoggaanka maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulamo ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen Siyaasiyiin , Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Bulshadda kasoo jeedda degaanada maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland ay ka jirto xaalad aad u xun.

Siyaasiiinta Magaalada Muqdisho ku shiray waxaa ka mid ahaa  Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii sanadkii hore dhacday.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka taagnaa Khilaaf u dhaxeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland qaarkood iyo sidoo kale hoggaanka maamulka Jubbaland.

Khilaafka ayaa ka dhashay Xanaasad ka qaadidii iyo Xarigii loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulkaasi ka dibna loo soo masaafuriyay Magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha maamulka Jubbaland ku eedeeyay in uu doonaayo in Xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland uu iskusoo taago Markii Saddexaad.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response