Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo u dhoofay dalka Jabuuti

Hiiraan Xog, Feb 11, 2018:- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta Ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Isagoo Ku Sii Jeeda dalka Jabuuti .

Madaxweynaha ayaa halkaasi kulamo kala duwan kula qaadan doono xubnaha Beesha Caalamka ee halkaasi ku sugan.

Waxaa uu sidoo kale booqon doona dalal kale oo ku yaalla Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply