DAAWO SAWIRO:-Beeraleeyda gobolka Hiiraan oo ka cabaneysa biyo la aanta Wabiga Shabeelle

Hiiraan Xog, Feb 11 , 2018:- Wabiga Shabeelle oo ah Wabiga Labaad ee ugu dheer Dalka Soomaaliya ayaa guray , iyadoo kumanaan ruux ay saameen ku yeelatay biyo la’aanta Wabiga Shabeelle.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin maamulka gobolka Hiiraan Wabiga ayaa guray, waxaana uu sameyn ku yeeshay bulshadda kunool gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Biyo la’aanta Wabiga Shabeelle ayaa waxa ay dhibaato ku tahay kumanaan Qoys oo ku nool hareeraha Wabiga Shabeelle, kuwaas oo noloshooda ay ku xirneyd Biyaha Wabiga Shabeelle.

Dadka ay saameeyeen Biyo la’aanta Wabiga ayaa inta badan waxa ay degan yihiin tuulooyin hoosyimaada Magaalada Baledweyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dhibaatada biyo la aanta Webiga Shabeelle ayaa sidoo kale sheegay in xataa ay gureen ceelashii Biyaha waxaana uu Hay’adda Gargaarka ugu baaqay in la caawiyo dadka kunool gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Mamulka Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale xusay in degaanka Ceel-Gaal Biyaha looga keeno Magaalada, islaamarkaana Fuustaddii Biyaha ay Magaalada ka marayso ku dhawaad 40 kun oo Shilin Soomaali ah.

Sanadyadan danbe ayaa la arkayay in uu Wabiga Shabeelle biyo laga waynayay oo beeraleeyda aay cabasho xoogan ka keeneysay.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply