DAAWO SAWIRADA: Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe

Hiiraan Xog, Feb, 11, 2018:- Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Wasiiro kale oo katirsan Puntland.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh jibriil ayaa sheegay in safarkooda u salka ku hayo sidi kulamo wadatashi ah oo ku saabsan dib u eegista dastuurka ula qaadan lahayeen madaxda iyo shacabka Garoowe.

“Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta diiran ee ay noo sameeyeen masuuliyiinta Puntland, sida aad ujeedaan waxaa si wadajir ah u socda sedexda Hay’ad ee ku shaqada leh Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka innaga oo u nimid sidii madaxda iyo shacabka Puntland aan uga talagelin lahayn Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Kaamil ayaa waxa ay si wadajir ah uga mahadnaqeen soo dhaweeynta iyaga oo tilmaamay in sedexda Hay’ad ee shaqada ka dhaxeyso ay si wadajir ah wadatashi u la yeelan doonaan shacabka iyo madaxda Puntland.

Ugu dambayn, safar-hawleedkan ayaa ah midkii labaad oo ay si wadajir ah u sameeyaan Wasaaradda iyo labada Guddi ee shaqada ka dhaxeeyso iyada oo cadeeyneysa wadashaqeynta aadka u wanaagsan ee ka dhaxeysa sedexda Hay’adood.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





About Hiiraan Xog 2103 Articles
Wariye Mohamed Abdi Saney

Be the first to comment

Leave a Reply