Cristiano Ronaldo oo muraayad isku fiiriyay garoonka dhexdiisa inta ay ciyaarta socotay

by B.A.M | Monday, Jan 22, 2018 | 534 views

Hiiraan Xog, Jan 22, 2018:- Ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo ayaa maalinimadii axadda adduunka oo dhan ka yaabsaday kadib markii uu muraayad isku eegay isaga oo ku dhex jira garoonka ciyaaraha, islamarkaasna ay socoto ciyaartii.

Arrintan ayaa keentay hadal heynta in Ronaldo in uu yahay nin xarago jecel, islamarkaasna jirkiisa naashnaasha.

Kaamirada ayaa qabatay Ronald oo dhaqtarkiisa ka qaatay taleefoonka, kadibna kaamirada taleefoonka u isticmaalay muraayad ahaan si uu isugu eego maadaamaa uu dhaawac kasoo gaaray wajiga, dhiigna uu ka socday.

Daadihiyeyaasha barnaamijyada isboortiga qaarkood ayaa ku maadeystay, iyada oo dadka qaarkood ay soo qoreen “Marka aad ku guuleysato 7-1 gool, balse sawirkii aad gali lahayd ciyaarta kadib uu wajiga kaa halaabo”.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa iyaduna qortey “Ronaldo oo heer cusub gaarsiiyay sida uu nafta u jecelyahay”.

Ronaldo ayuu dhaawaca kasoo gaaro kadib markii uu haraanti ku dhuftay ciyaaryahan kale.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response