DAAWO SAWIRO:- Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan dhax maray laba koox oo ka kala dhisan Guriceel iyo Dhusamareem

by B.A.M | Thursday, Jan 18, 2018 | 395 views

Hiiraan Xog, Jan 18, 2018:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo baryahaan ku sugnaa magaalo madaxda maamulka Galmudug State ee Dhuusamareeb ayaa lagu sharfay in uu furo kulan adag oo u dhaxeeyay labo kooxood oo kala matalayay magaalooyinka Guriceel iyo Caasimadda Dhuusamareeb.

Ciyaartan oo aheyd mid lagu xoojinayay is dhexgalka iyo nabadda ayey dhallinyarada gudoomiye Thaabit ka codsadeen in uu kala soo qeyb galo isla markaana u furo.

Guddoomiye Thaabit ayaa kala qeyb galay dhallinyarada kulankii ay ku casuumeen, isagoona laaday kubaddii koobaad.

Shacabkii kasoo qeyb galay daawashada kulanka ayaa dhankooda fursad u helay in duqa magaalada Muqdisho la sheekeeestaan, sawirana la galaan.

Ugu dambeyn kulanka oo ahaa mid adag taageerayaal fara badan oo laba dhan ahna ay usoo daawasho tageen ayaan kusoo idlaaday barbarro 0-0 ah.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response