DAAWO VIDEO: dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo ha’yadaha samafalka ku eedeyay in shaqo ay qaban karan qof kale looga keeno deegan ka baxsan gobolka

Hiiraan Xog, jan 14, 2018:- Magalaada Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kulan ku yeeshay Aqoonyahano , dhalinyaro iyo haween , kuwaaso maamulka Gobolka Hiiraan ka dalbaday in wax laga qabto  shaqo la’aanta heysta dhalinyarada maadaam inta badan ay sheegeen in ha’yadaha ka howlgala gobolka ay ka shaqeeyan dhalinyaro kala timid gobolka waqooyi bari keny iyo gobollada kale.

Dhalinyarada ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in dhowr mar ha’yadaha ka howlgala gobolka ay u gudbisteen codsi balse aan looga soo jawabin islamarkana shaqo u qaban karo qof kale looga keeno deegan ka baxsan Gobolka Hiiraan.

isku duwaha Wasaarada Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan ahna Agaasiimaha isbitaalka Baladweyne Axmed Maxamed khaalif ayaa sheegya in sababta ugu weyn ee dhalinyarad ku kalifta inay tariiban ay tahay shaqo la’aanta islamarkana mararka qaar keenta inay ka mid dadka falalka aamaan darro ka geysta dalka sidaasi darteed Maamulka looga bahan yahay inu wax ka qabto cabashada ay qaban dhalinyarada ee ah in shaqo ay qaban karan qof kale looga keeno deegan kale.

Xoghayaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdulle Nuur Faarax  oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in ka  maamul ahaan ay wax ka qaban doonaan islamarkana dib dambe aysan u dhici doonin in shaqo ay qaban karan dhalinyarada gobolka Hiiraan dhalinyaro kale looga keeno gobollada kale.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





About Hiiraan Xog 2103 Articles
Wariye Mohamed Abdi Saney

Be the first to comment

Leave a Reply