AKHRISO:- Sheekh Axmed Shaakir oo ka hadlay shirka magaalada Dhuusa-Mareeb

by B.A.M | Sunday, Jan 14, 2018 | 292 views

Hiiraan Xog, Jan 14, 2018:- Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka maamulka Galgaduud ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo munaasabad ballaaran oo lagu soo geba gebeynayo dhameystirka heshiisyadii ay gaareen maamulka Galmudug iyo madaxda Ahlusuna Waljamaaca, kuwaasi oo lagu midaynayo labada dhinac.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda shirkan ayaa ka socota magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana shirkan ka qeyb galaya madaxda Dowladda Soomaaliya, dhinacyadii heshiisku dhexmaray ee Galmudug iyo Ahlusuna, Beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo amnigu ay adkeynayaan ciidamo aad u fara badan, maadaama magaaladu ay marigelinayso shirweyne ballaaran oo lagu dhameystirayo dib u heshiisiinta.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa ugu baaqey shacabka in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta heshiisyadaasi iyo marti gelinta shirka, isagoo dhanka kale kulan soo dhaweyn ah u sameeyey Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey oo ku sugan halkaasi.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response