AKHRISO:- Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay qaabkii loo dilay wiilkisa Xuseen Faysal

by B.A.M | Sunday, Jan 14, 2018 | 310 views

Hiiraan Xog, Jan 14, 2018:- Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee maamulka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay wiil uu dhalay oo la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya, kasoo ka tirsanaa Ururka Daacish.

Waxaa uu sheegay in wiilkaasi uu dhintay, islamarkaana uu qaatay fakirka Kooxda Daacish,isagoona ka yimid Qaaradda Yurub.

Wiilka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Faysal , waxaana lagu dilay  duqeyn ka dhacday goob isaga iyo koox ka tirsan Daacish ay ku wada sugnaayeen,halkaas oo Diyaaradaha Syria ay ku duqeeyeen.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Hooyada u dhashay wiilkan uu u sheegay in aan dib loogu cusbooneysiin Baasaboorka Finland,maaddaama ay suuragal tahay in uu dhibaato ka geysto gudaha dalkaas.

Faysal waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu ka baxay Dalka Finland halkaas oo uu ku dhashay,waxaana uu xusay in dowladda Finland ku wargeliyay warka soo gaaray isaga.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response