Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug

Hiiraan Xog, Jan 13, 2018:- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa la filayaa inay caawa ku hoydaan magaalada Gaalkacyo .ee gobolka Mudug

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo Waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maaamulka Gobolka Mudug ee labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Gaalkacyo kula hadli doona Fagaaraha Kamaaludiin, halkaasoo boqolaal shacab isugu soo baxeen.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu uga gudbo Gaalkacyo, deegaanada kale ee maamulka Galmudug, sida Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb iyo Guriceel sida ay shegayaan masuliyiinta maamulka Galmudug.

 

 

 





Be the first to comment

Leave a Reply