DAAWO SAWIRO:- Madaxweyne Farmaajo oo wacdaro ka dhigay magaalada Boosaaso

by B.A.M | Saturday, Jan 13, 2018 | 474 views

Hiiraan Xog, Jan 13, 2018:- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dukaameystay mid ka mid ah carwooyinka waaweyn ee ku yaal magaalada Boosaaso xili uu kormeerayay goobaha ganacsi iyo horumarka magaaladaasi ka jira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadweyne aad u tira badan ay kusoo xoomeen xili uu sii gelayay carwada uu ka dukaameystay iyo goob loo nasasho iyo dalxiis tago kuna taal bartamaha magaalada Boosaaso.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa daah furay adeeg casri ah oo shirkadda Golis ay ka hirgelisay degaanada Puntland, kaasoo ah adeega Internet-ka xawaarahiisa sareeyo ee Fiber Optic ee dhulka hoostiisa soo mara.

“Farxad weyn ayey ii tahay in aan idin kala soo qeyb galo maalgashigan aad ku sameyseen dalkeenna. Waxaa xaqiiqo ah in adeegyadan iyo horumarkan ay ka tarjumayaan dadaalka iyo hor u socdka ganacsatada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed ee shirkaddaha ku leh Boosaaso iyo guud ahaann dalka kaalinta ay ka qaadanayaan horumarka dalka.

Halkaan hoose ka daawo Sawiro aad u qurux badan oo laga qaaday madaxweyne Farmaajo.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response