Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo maanta ka tagay Magalaada Baladweyne oo gaaray dhuuso-mareeb

by Hiiraan Xog | Saturday, Jan 13, 2018 | 368 views

Hiiraan Xog, jan 13,2018:- Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM islamarkana ka socda dalalka  Jabuuti iyo itoobiya oo maanta ka ambabaxay Magalaada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan ayaa gaaray Magaalada dhuuso-mareeb ee caasimada Maamulka Galmudug.

hadafka Ciidamadan ay u tageen Magalaada dhuuso-mareeb ayaa la sheegay inay tahay sidi ay u sugi lahayeen amaanka Magalaada inta lagu guda jiro booqashada Madaxweynaha dowlada Federaalka Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo ku marayo qeybo ka mid  ah deegannada Galmudug gaar ahaan Caasimada dhuuso-mareeb.

Ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka jabuuti iyo itoobiya ayaa wata gadiidka dagaalka kuwaaso lagu wado in lagu wareejiyo amaanka goobaha u booqan doono Madaxweynaha.

Amaanka Magalaada dhuuso-mareeb ee caasimada Galmudug ayaa aad loo adkeyay iyado Ciidamo la dhigay  daafaha laga soo galo Magalaada.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response