SAWIRO:- Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Soomaaliya

Hiiraan Xog, Jan 12, 2018:- Saraakiisha Ciidanka dowlada Soomaaliya ee Degmadda Buurhakaba Gobolka Baay, ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo katirsaa Al-shabaab oo dhawaan isa soo dhiibay.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Ibraahim Xasan Cali, ayaa Al-shabaab ka tirsanaa muddo dheer, isagoo sheegay in Al Shabaab dhexdooda uu ka jiro Khilaaf aad u xooggan sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay Shabaab in ay bilaabeen in dhexdooda ay is dilaan, kadib markii ay kala shakiyeen, waxaana uu xusay in isaga uu la kulmay dhibaatooyin kala duwan.

Isa soo dhiibista Sarkaalkan Al-shabaab ka soo goostay ayaa ku soo aadeysa xilli dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya uu markale ku celiyay in cafis loo fidiyay dhalinyarada Al Shabaab ka soo goosaneysa.





Be the first to comment

Leave a Reply