Safaarada Soomaaliya ee Konfuur Afrika oo ka hadashay dilalka loo geysta Soomaalida

by B.A.M | Friday, Jan 12, 2018 | 85 views

Hiiraan Xog, Jan 12, 2018:- Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koofun Afrika, Jamaal Maxamed Barroow oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaalida loo geysto, gaar ahaan dilalkii ugu dambeeyay ee laga beegsanayay ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa ugu horeyn waxaa uu xusay weeraradii sanadkii tagay lagu dilay Soomaalida ku nool Koonfur Afrika inay ahaayeen kuwa ka badan sanadahii la soo dhaafay marka loo eego Tirada ganacsatada ee halkasi.

Waxaa jira walaac badan oo laga muujinayo qaabka ay u dhacayaan dilalka cusub ee Soomaalida loogu geysto dalkan Koofur Afrika, waxaana jirtay toogasho uusan dhac wehlin, taas oo ah qaab ku cusub weerarada ay geystaan kooxaha burcadda ah sida uu sheegay Danjire Jamaal Barroow.

“Dilalkaasi waxaa kusoo kordhay hada oo keentay in aan saxaafada la hadalno muujina dareenka shacabkeena waxaa uu yahay ,dilalka markii hore jeedo ayey lahaayeen waxaana aheyd in dhac loo geysto Soomaalida lakiin hada toogasho toos ah ayaa dhacday ayada oo aan waxna laga qaadan qofkii la dilay,waa arin ujeedo gaar ah wadata oo u baahan in la baaro”

Waxaa uu intaasi ku daray in safaarada ay wado kulamo ay la qaadaneyso dowlada South Africa iyo hey’ada Qaxootiga aduunka qeybteeda Koofur Africa iyo Sido kal laamaha Ammaanka Dalkaan Koonfur Afrika ayna kala hadleyso sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka soo cusboonaaday .

Safiir Jamaal Maxamed Barroow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo direyso wafdi ka kooban wasiirro iyo xillibaanno si ay baritaan rasmi ah ugu sameeyaan dilalkan joogtada ah ee Soomaalida loogu geysto dalka Koofun Africa, iyagoo kula xisaabtami doona Dowlada Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn safiir Jamaal Maxaed Barrow waxaa uu sheegay in dhibaatooyin looga bixi karo wada shaqeyn buuxda oo dhax marta dhinacyada Soomaalida ee ku wada nool dalka Koofur Afrika,safaarada Soomaaliya iyo sido kale dowladda,wuxuuna ugu baaqay Soomaalida in ay u midoobaan ka hortagga dhibaatooyinka iyaga ka dhanka ah.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response