DHAGEYSO: kooxo hubeysan oo Magalaada Baladweyne ku dilay Askari ka tirsana Ciidamada dowlada

by Hiiraan Xog | Friday, Jan 12, 2018 | 431 views

Hiiraan Xog, jan 12, 2018:- Askari ka tirsana Ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan ayaa caawa lagu dilay meel aan ka fogeyn fariisin Ciidamada dowlada ku lee yihiin Xaafadda Bundo weyn ee Magalaada Baladweyne.

Dilka Askarigan ayaa la sheegay inay geysteen kooxo hubeysan islamarkana ay ka baxsadeen goobta ka hor inta aysan tagi Ciidamada dowlad.

Madaxa howlgalada Ciidamada Booliska Magalaada Baladweyne  Carab Yuusuf Nuur ayaa Hiilnews u sheegay in lagu dabo joogo kooxihi ka dambeyay dilkan islamarkana gacanta lagu soo dhigi doono.

Askarigan Caawa lagu dilay Xaafadda Bundo weyn ayaa ka tirsana Ciidamada Asluubta ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Xaafadda Bundo weyn ee Magalaada Baladweyne ayaa dhowr  mar ooh ore lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada dowlada kuwaaso aysan jirin cid loo soo qabtay dilkooda.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response