DEG DEG: Guudoomiyaha Guddiga doorashada Madaxa banaan oo lagu xiray dhuuso-mareeb

by Hiiraan Xog | Friday, Jan 12, 2018 | 375 views

Hiiraan Xog, jan 12,2018:- Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa-banaan ee qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yarey” ayaa goor-dhaw lagu xiray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ee Soomaaliya.

Ciidamada Ahlusunna ayaa la sheegay in Guudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee doorashada Xaliimo Yarey  ay Xabsi guri,  uga dhigee guri ku yaala dhuusamareeb.

Ciidamo ay wadatay ayaa sidoo kale la sheegay in hubka laga qaaday sidoo kalane la xiray.

Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo aan goor-dhaw Telephone’l-ka kula hadlay ayaa sheegtay in aysan ka hadlayn xerigeeda, balse Saraakiil ku sugan Dhuusamareeb ayaa arintaan u xaqiijiyay Warbaahinta.

Ugu dambeyntii Lama oga sababta ka dambeysa xerigga Xaliimo Yarey, Sidaan oo kale Ahlusunna ayaa xalay 5 qof oo dumar ah ku xirtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response