DAAWO SAWIRO:- Dowlada Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiiday heshiis muhiim ah

Hiiraan Xog, Jan 12, 2018:- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefti uu hogaaminaayo oo maalin ka hor gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta heshiis la saxiixday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wafdigiisa waxa ay ka kooban yihiin 13 xubnood oo ka socda Sedex iyo toban wasaradood iyo afar wasiir  oo uu ugu horeeyo Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),

Mudane Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdigiisa ayaa waxa ay Magaalada Ankara uga qeyb gaeen Shirka Iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey-ga oo markii ugu horreysay ka dhacay dalka Turkey.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply