Xukuumadda Spain oo waqti kama dambays ah u qabatay hoggaamiyaha Catalonia

by B.A.M | Thursday, Oct 12, 2017 | 83 views

Hiiraan Xog, Oct 12, 2017:- Raisul Wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa u qabtay muddo shan maamood gudahooda in uu hogaamiyaha Catalonia ku kala caddeeyo in uu ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in kale.

Haddii hogaamiyaha Catalonia Carles Puigdemont uu xaqiijiyo ilaa isniinta in uu ku dhawaaqay madaxbanaani ayaa waxa hadana la siinayaa muddo seddex maalmood ah oo uu kaga noqdo shaacin arrintan.

Hadddii hogaamiyaha Catalonia uu ku guuldaraysto arintaasi ayaa waxa ay xukuumadda,Madrid laali doontaa qodobka 155 ee dastuurka taasi oo fursad u siinaysa in ay hakiso ismaamul hoosaadka gobolka Catalonia waxaana toos u maamulaysa dowladda dhexe.

Hogaamiyaha Catalonia ayaa Talaadadii saxiixay ku dhawaaqida madaxbanaanida gobolkaasi Catalonia.

Balse maamulka dowlada Catalonia waxay hakiyeen dhaqangalinta madaxbanaanida si fursad loo siiyo wadahadal ay la galaan xukuumadda Madrid.

Tan iyo intii la qabtay aftida gobolka Catalonia ayaa waxaa dalka Spain ka taagnaa jahwareer siyaasadeed.

Maxkamada dastuuriga ee dalka Spain ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay aftida.

Sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Catalonia boqolkiiba 90 ka mid ah dadkii codadkooda dhiibtay waxay taageereen aftida madaxbanaanida.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response