Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi Maxamed oo is casilay

by B.A.M | Thursday, Oct 12, 2017 | 384 views

Hiiraan Xog, Oct 12, 2017:- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Warar ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in Wasiirka uu arrimo shaqsi isku casila.

Shirka Golaha Wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa la sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Soomaaliya uu is casilay.

Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka dambeysay wax yar un kaddib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.

Lama oga sabaha keenay in uu is casilo Wasiirka iyo Taliyaha xooga dalka Soomaaliya.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response