Taliyihii Ciidamada xoogga dalka oo is casilay iyo Taliye cusub oo la magacaabay

by B.A.M | Thursday, Oct 12, 2017 | 286 views

Hiiraan Xog, Oct 12, 2017:- Taliyihii Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) oo is casilay, iyadoo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay magacaabeen Taliye cusub oo bedeli lahaa kii hore.

Sida ay sheegayaan wararka qaar ayaa sheegaya Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Jen. Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod oo loo magacaabay xilka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaa ahaa Col. Pilot ah, xilligii dowladdii Siyaad Barre, sidoo kale waxaa uu Wasiirka Dekedaha ka noqday dowladdii TNG-da ee uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan

Wararka ayaa intaa ku daraya in muddooyinkan la hadal hayay is casilaada Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Cirfiid oo xilkan loo magacaabay bishii April ee sanadkan waxaana jiri arima dhoow ah oo ay isku qabteen asaga iyo wasiirka Gashaandhiga dowlada Soomaaliya.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response