Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamed oo Hambalyo u diray shacabka Soomaaliyed

by B.A.M | Thursday, Oct 12, 2017 | 131 views

Hiiraan Xog, Oct 12, 2017:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Calanka Soomaaliyeed u diray dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu kaga hadlay maalinta qiimaha leh, isagoo xusay inay tahay maalin mudan xusuus iyo weyneyn.

“Maanta oo ah 12 October, waxay ku asteeysan tahay maalintii ugu horreeysay ee Calankeenna Soomaaliyeed gayiga laga taagay, Sannadkii 1954tii. Waa maalin inaga mudan xusuus iyo weyneeyn sidaa darteed, waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa maalintaan qiimaha innoo leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

“Calanka, waxaa naftooda u soo huray halyeeyo Soomaaliyeed anagana waxaa ina laga baahan yahay inaan muhiimadiisa dhowrno islamarkaana ilaalino, kana shaqeeyno Qarannimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response