Ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow iy Al-Shabaab oo ku dagaalamay degaanka Abal ee gobolka Bakool

by B.A.M | Thursday, Oct 12, 2017 | 140 views

Hiiraan Xog, Oct 12, 2017:- Warar kala duwan ayaa ka soo baxayo dagaal ka dhacay degaanka Abal oo qayaasti 18 KM u jirta magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalka oo aad u xooganaa isla markaana uu ka dhashay khasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka kala dhacay meel ku dhow Deegaanka Abal oo 18km u jirta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka Deegaanka Abal ayaa waxaa barbar socday dagaal kale oo ka dhacay Deegaanka Sayniilow oo 45km koonfur bari kaga toosan Magaalada Xudur.

Dagaalka ayaa sida aan horayba u sheegnay ka dhashay weerar dhabagal ah oo Xoogaga Mukhtaar Roobow ku qaaden Kolonyo gaadiid oo ay la Alshabaab.

Maxamed Nuuriyow oo ka tirsan Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed kana mid ahaa Saraakiisha qeybta ka ahaa dagaalka ayaa sheegay in Alshabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka.

Waxa uu Nuuriyow sheegay in dagaalka lagu dilay Seddex Sargaal oo xilal u hayay Alshabaab iyo ciidamo fara badan oo ka tirsan Alshabaab, waxa uuna intaa ku daray in Alshabaab laga furtay Hub fara badan.

Ciidamada Alshabaab looga dilay dagaalka ayuu sheegay inay kor u dhaafayaan 18 Askari oo ku dhintay dagaalka.

Sargaalka waxa uu intaa kusii daray in Khasaaraha dhaawaca uu gaarayo 23 Alshabaab ah kuwaa oo qaarkood ay ku qabteen dhaawac isla markaana ku jira gacanta Xoogaga Sheekh Mukhtaar Roobow.

Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu gaaro magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur, halkaa oo uu ka dhisi doono ciidamo hor leh oo daacad u ah.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalada is barbar socday ee ka kala dhacay Deegaanka Abal iyo Sayniilow ayaa ku soo beegmaya, xili maalin ka hor uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid iclaamiyay dagaal ka dhan ah.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response