AKHRISO:- Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo

by B.A.M | Thursday, Oct 12, 2017 | 568 views

Hiiraan Xog, Oct 12, 2017:- Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa baaq siyaasadeed u diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada ku bahoobay Kudlada Horusocod ayaa markii u horeysay baaq ka soo saaray xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee ka jirta dalka, iyadoo dowladda Soomaaliya u jeediyay tallooyin kala duwan.

Kudlada Horusocod ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka uu gaaro degenaansho siyaasadeed, si horay loogu socdo.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha inuu kulan deg deg ah isugu yeero Madaxda dowlad goboleedyada, si looga hadlo tabashooyinka ku xusan war murtiyeedkii shalay ka soo baxay Madaxda dowlad goboleedyada.

Waxaa kaloo ay soo jeediyeen in xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inuu noqdo mid wada shaqeyn iyo iskaashi ku dhisan.

AKHRISO WAR MURTIYEEDKA AY SOO SAAREN XILDHIBAANADA.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response