AKHRISO:- Maamul goboledyada dalka oo la wareegay awoodi Baarlamanka Aqalka Sare

by B.A.M | Thursday, Oct 12, 2017 | 118 views

Hiiraan Xog, Oct 12, 2017:- Madaxda Maamul goboleedyada oo maalintii shalay shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo ayaa la wareegay awooddii Aqalka Sare oo u taagneyd matalaada danaha dowlad goboleedyada ee ka midka ah dowladda Soomaaliya.

Dhismaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee ay ku mideysan yihiin Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxaa uu mar kale su’aal ka keenayaa awooda Aqalka sare oo ka mid ah Hey’addaha Dastuuriga ah ee Federaalka.

Sidoo kale dhismaha Golahan waxaa uu howl gab ka dhigayaa Aqalka sare oo loo sameeyay inuu ilaaliyo danaha dowlad goboleedyada ahna Hey’ad Dastuuri ah.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa xilligan ku heysta dowladda Soomaaliya qodobo ka mid ah Dastuurka oo muhiima gaar ay u leedahay dowladda Soomaaliya, waxaana ay aheyd in Aqalka sare ay arrintan uga dambeeyaan maadaama ay ku matalaan Federaalka.

Madashii Wadatashiga Qaran ee dowladdii hore ayaa la xusuustaa sida ay awooda iyo talada ugala wareegaan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo dhismaha Golahan ay u muuqato tallaabadaas oo kale.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response