Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fariin adag u diray Maamul goboledyada dalka ka jira

by B.A.M | Wednesday, Oct 11, 2017 | 373 views

Hiiraan Xog, Oct 11, 2017:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay midnimo iyo wadashaqeyn, kaddib war murtiyeed ka soo baxay shirkii Madaxda maamul goboleedyada ee ka socday malmahaan magaalada Kismaayo, kaasoo dhaliilo loogu jeediyay dowladda Soomaaliya.

War saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu si dhow ula socdo dareenka ay muujiyeen Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay wada shaqeynta Hey’adaha Federaalka iyo Hey’adaha heer Dowlad Goboleed, si looga mira dhaliyo waajibaadka Dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Maamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay mar walba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo Hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response