AKHRISO:- Jadwalka doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug oo lagu dhawaaqay

by B.A.M | Wednesday, Oct 11, 2017 | 400 views

Hiiraan Xog, Oct 11, 2017:- Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Jadwal la sheegay inuu noqon doono kan doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanada oo dhawaan sheegay inay xilka ka qaaden Madaxweyne Xaaf ay Jadwalka ku sheegay mid rasmi ah, isla markaana lagu dooran doono Madaxweyne cusub.

Xildhibaanada garabka ku kacsan Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Galmudug aysan laheyn wax maamul ah, sidaa aawgeed ay doonayaan inay doortaan hogaan cusub.

Xildhibaanadu waxa ay sheegen in Jadwalka la soo saaray uu yahay Jadwalka Doorashada maamulka Galmudug, waxaana ay sameeyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

HALKAAN KA AKHRISO JADWALKA.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response