AKHRISO:- Go’anada laga soo saaray shirkii ka socday magaalada Kismaayo

by B.A.M | Wednesday, Oct 11, 2017 | 390 views

Hiiraan Xog, Oct 11, 2017:- Khodobo ka kooban 16 qodob ayaa goor dhow laga soo saaray shirka ka socday magaalada Kismaayo ugu socday Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira. 

War murtiyeedka oo goor dhow ay heshay Warbaahinta ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Khilaafka siyaasadeed, xaalada Galmudug iyo Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu dhisay Gole ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada oo loogu magac daray Golaha Isbaheeysiga dowlad goboleedyada, waxaa Guddoomiye iyo kuxigeen loo doortay sanadka koowaad Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay inay yeelan doonaan shirar kale oo ka dhici doona xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

Shirka kale ee ay yeelan doonan maamul goboledyada ayaa la sheegin halka uu ka dhacayo.

AKHRISO QODOBADA HOR DHACA AH EE KA SOO BAXAY SHIRKA MAGAALADA KISMAAYO.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response