Saldhiga ciidamada dalka Hindiya ee ku yaal Kashmir oo la weeraray

by B.A.M | Tuesday, Oct 3, 2017 | 221 views

Hiiraan Xog, Oct 03, 2017:-Ciidamo maleeshiya ah oo weerar ku qaaday Saldhig ay ciidammada Hindiya ee ku leeyihiin deegaanka Srinagar oo ka tirsan qaybta ay Hindiya maamusho ee gobolka Kashmir, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saddex askari oo kuwa xadka ilaaliya ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, kaas oo billawday 4:00 saacadda deegaankaas, taas oo u dhiganta 22:30 GMT

Masuuliyiintu waxay sheegeen in in laamaha ammaanka ay wali rasaas waydaarsanayaan dadkii weerarka soo qaaday.

Saldhigan ayaa ku yaalla meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Srinagar oo aad loo sugo ammaankiisa.

Dadkii weerarka soo qaaday ayaa wali ku jira dhismaha saldhiga dhexdiisa, sida ay sheegeen saraakiisha ilaalada xadka ee dalka Hindiya.

Ciidamada Booliiska ayaa ku tilmaamay weerar is qarxin ah, waxayna intaas ku dareen in ilaa iyo hadda la helay hal may doo loo malaynayo in uu ka mid yahay dadkii weerarka soo qaaday, sida ay ku warraytay wakaaladda wararka ee Press Trust of India.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response