Hogaanka Shirkadda Uber oo wadahadal la galaya masuliyiinta magaalada London

by B.A.M | Tuesday, Oct 3, 2017 | 264 views

Hiiraan Xog, Oct 03, 2017:- Hogaanka cusub ee shirkadda takaasida ee Uber ayaa galinka dambe ee maanta wadahadal la yeelan doona masuuliyiinta waaxda gaadiidka ee magaalada London, si ay uga wada hadlaan ruqsaddii ay shirkaddu ku shaqaynaysay oo aan loo cusboonaysiinin.

Dara Khosrowshahi ayaa kulan la qaadan doona Mike Brown oo maamula gaadiidka magaalada London, kaas oo shirkadda ku dhaliilay in aysan baadhitaan qoto dheer ku samaynin darawaladeeda iyo sida ay dawladda ugu wargaliso falal dambiyeedyada.

Shirkadda Uber ayaa raaligalin ka bixisay “khaladkii” ka dhacay, waxayna sheegtay in ay wax ka badali doonto sidii ay u shaqayn jirtay.

Ruqsadda ay shirkaddu kaga shaqaysanaysay London ayaa dhacaya Sabtida, laakiin darawallada u shaqeeya ayaa hawlahooda sii wadan kara tan iyo inta go’aan laga gaarayo racfaanka ay shirkaddu qaadatay.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response