DAAWO SAWIRO:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Sheekh Sulfa

by B.A.M | Tuesday, Oct 3, 2017 | 815 views

Hiiraan Xog, Oct 03, 2017:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa intuu ku Sugnaa Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Arabia Wuxuu Qasrigii uu Degenaa Ku Qaabiley Sheekh CabdiLahi Sulfa oo Ka Mid ahaan Jirey Hoboladii Caanka ahaa ee Qaranka Soomaaliyeed.

Sheekh Sulfa oo hadda ah Sheekh iyo Daaci si Weyn loogu yaqaan dalka Sacuudi Carabia wuxuu imaam ka yahay Masjidka Cabdilahi ibnu Cumar ee Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Arabia.

Sheekh Cabdilahi Sulfa oo in dhaweyd uu la soo darisey Xanuun dhanka Kalyaha ah ayaa u baahan in Maalin Dhaaf loogu dhaqo Kalyaha, wuxuu sidoo kale si deg-deg ah ugu baahanyahay in Kalyaha loo badalo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa ilaahay uga baryey Sheekha Caafimaad Deg-Deg ah Waxaanuu u Sheegay Sheekha inuu Kafaalo Qaadaayo Wixii ku baxaya Kharashka Dhaqista Kalyaha inta laga Gaadhayo Operationka/Camaliyada bedelista Kalyaha isla Markaana uu Gacan ka Geysanayo Wixii ku baxaya Operation-ka Ka Badalista Kalyaha.

Kulanka Waxa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibada MD Yusuf Garaad Cumar iyo Danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Maxamuud Geele.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response