Garoonka Magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay Col C/salaam Sandheere oo ahaa Taliyihii Garoonka

Hiiraan Xog, Oct 02, 2017:- Garoonka diyaaradha ee magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay Col C/salaam Sandheere, waxaana marxuunka toogtay mid ka mid ah ciidamada ilaalada Garoonka magaalada Gaalkacyo.

Toogashadan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintey qaar ka mid ah ilaalada taliyihii ciidamada garoonka magaalada Gaalkacyo iyadoo aan la ogeyn sababta keentay dilka taliyahii la tooktay.

Sidoo kale waxaa toogashadan ku dhaawacmay qaar ka mid ah ciidamada ilaalada garoonka magaalada Gaalkacyo, waxaana illaa iyo hadda la ogeeyn sabata loo toogtay Taliyaha

Dhanka kale wax war ah kama soo bixin maamulka Galmudug iyo hayadaha Amniga ee magaalada Gaalcayo..

Wararka qaar ayaa sheegaya in la qabtay ragii ka dabeeyay toogashada Taliyaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo.

 





Be the first to comment

Leave a Reply