DAAWO SAWIRO:- Xaflad lagu qabtay Madaxtooyada Vila Soomaaliya oo ay ka qebgaleen madaxda dalka

by B.A.M | Monday, Oct 2, 2017 | 800 views

Hiiraan Xog, Oct 02, 2017:- Munaasabada ka dhacday maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaalia oo ay ka soo qayb galeen Hey’adaha dowliga ah iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku saxiixay sharciga isgaarsiinta qaranka.

Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) , Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo wasiirro uu ka mid yahay wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan.

Waxaa kale oo xafladda lagu saxiixay xeerka isgaarsiinta qaranka ka soo qeyb-galay bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin ka socday shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Sharciga waxaa horay u soo dooday isla markaana soo meer-mariyay golaha wasiirada iyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Saxiixa madaxweynaha kadib waxaa xigi-doono in lagu soo daabaco Warbaahinta rasmiga ah ee dowladda.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response