Al-shabaab oo madaafic ku garaacday magaada Baydhabo ee gobolka Baay

by B.A.M | Sunday, Oct 1, 2017 | 511 views

Hiiraan Xog, Oct 01, 2017:- Al-shabaab oo xalay madafii ku garaacday qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo, waxaana la sheegayaa in wax qasaaro ah uusan ka dhalan weerarka madaaficda ah.

Madaafiicdan oo loo adeegsaday hoobiye ayaa la sheegay in qeybo ka mid ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo lama sheegin cid wax ku noqotay.

Dad ku sugan magaalada Baydhabo oo warbaahinta hadlay ayaa sheegaya in inta badan madaafiicdan ku dhaceen goob cidla ah oo dad aysan ku sugneyn.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa waxaa ilaaliya ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo ciidamo ka tirsan howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Alshabaab ayaa inta badan la dagaalama ciidamada maamulka Koofur Galbeed ee kusugan magaalada Baydhabo iyo degaanado hoos yimaada.

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response