Qaba qaabada xaflada furitaanka Saldhiga ciidamada dalka Turkiga oo ka socota magaalada Muqdisho

by B.A.M | Saturday, Sep 30, 2017 | 626 views

Hiiraan Xog, Sep 30, 2017:- Qaba qaabada xaflada furitaan Saldhiga ciidamada dalka Turkiga oo ka socota magaalada Muqdisho, waxaana ka qebgalaya madaxda dowlada Soomaaliya.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalaya mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga,iyadoo saldhigani loogu talagalay in markiiba lagu tababari karo ilaa 10,000 oo askari.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga Hulusa Akar,iyadoo saaka lafilayo in ay Muqdisho soo gaaraan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Turkiga si ay uga qeybgalaan munaasabdda xarig jarka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga,ayaa kala hadlay sidii Dowladda Turkigu ay u kordhin lahayd taageerada ay u fidinayso dalka Soomaaliya.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response