Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey. oo goordhow xilka laga qaaday

by B.A.M | Saturday, Sep 30, 2017 | 728 views

Hiiraan Xog, Sep 30, 2017:- Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in xilkii laga qaaday Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Sida noo xaqiijiyeen goobjogayaal  ku sugan magaalada Cadaado waxaa shirka ay qabteen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug soo xaadiray 52 Xildhibaan, wuxuuna Madaxweyne Xaaf ka codsaday inay xilka ka qaadaan madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Sida wararku sheegayaan lana sugayo in waraaq rasmi ah lasoo saaro, waxaana u codeeyey in xilka laga qaado madaxweyne kuxigeenka dhammaan  52-dii Xildhibaan ee soo xiray Shirka kuwaas oo sheegay inaysan u dulqaadan doonin in la dumiyo Maamulka Galmudug.

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response