Dowlada Maraykanka ma aqoonsanin aftida Kurdistan ee dalka Ciraaq

Hiiraan Xog, Sep 30, 2017:- Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa sheegay in xukuumadda Washington aanay aqoonsaneyn natiijada aftidii madax bannaanida ee ka dhacday gobolka Kurdiyiinta Ciraaq.

Balse Tillerson ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, asagoo sheegay in aanay cidna faa’iido ugu jirin hanjabaadaha iyo dhaleeceynta ay dhinacyada isu jeedinayaan.

Dowladaha Ciraaq, Iiraan iyo Turkiga ayaa dhammaantood sheegay inay tallaabooyin adag ka qaadi doonaan maamulka Kurdistan.

Waxay ku goodiyeen inay la wareegi doonaan xuduudaha gobolkaasi, halka xukuumadda Baqdaadna ay joojisay duulimaadyada caalamiga ah ee gobolkaasi taga.

Xukuumadda Baqdaad ayaa sheegaysa in wadahadal uu dhici karo oo keliya haddii la laalo natiijada aftidii dhacday, balse maamulka Erbil ayaa rumaysan in aftida ay sharci ahayd ayna rabitaankooda ku muujiyeen Kurdiyiinta xornimo doonka ah.

 

 

Shabakada Hiiraan Xog

hiranxog@gmail.com

hiiraanxog@gmail.com





Be the first to comment

Leave a Reply